Allbanaadir.com
NEWS

Sanbaloolshe oo ku sugan Itoobiya iyo Warar kala duwan oo kasoo baxaya Socdaalkiisa

Taliyihii hore ee hey’adda nabad sugidda qaranka Soomaaliya,  Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), oo muddo toddobaad ah ku sugan dalka Itoobiya, ayaa warar kala duwan kasoo baxaayaan qorshaha safarkiisa.

Sanbaloolshe oo noqday mucaarad tan iyo markii xilka laga qaaday, ayaa la rumeysan yahay in uu kulamo gaar ah la yeeshay sirdoonka Itoobiya, isla markaana la wadaagay warbixinno la xiriira sirdoonka iyo howlaha amniga Soomaaliya.

Lama hubo qorshihiisa rasmiga ah ee booqashadiisa Itoobiya, balse warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya, in Sanbaloolshe uu doonaayo in saaxiibtinnimo cusub uu la sameysto Itoobiya iyo Imaaraatka, si markale uu uga soo muuqdo masraxa sare ee siyaasadda Soomaaliya.

Waxaa lala xiriiriyaa in uu xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo sirdoonka Itoobiya, iyadoo la ogyahay in si dhow ay u wada-shaqeyn jireen xilligii uu ahaa taliyaha nabad sugidda Soomaaliya.

Booqashadiisa Itoobiya ayaa imaaneyso xilli uu dhowaan sidoo kale kulamo gaar gaar ah la yeeshay saraakiil ka tirsan sirdoonka Imaaraatka Carabta. Sanbaloolshe oo hadda aad ugu kacsan dowladda hadda jirta, ayaa horey u noqday wasiir, xildhibaan, safiir iyo taliyaha nabad sugidda Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jeneraal Odawaa oo Shaaciyay Khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay xerada Nacnaca

Cabdi Cade

Shirkad dunida caan ka ah oo lagu ganaaxay nus Bilyan dollar iyo sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Itoobiya oo la siiyay Gaadiid ay u adeegsato la dagaalanka Al Shabaab (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---