Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Abiy Axmed oo mudo kordhin loo sameeyay iyo hal xaalad oo sababtay

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Itoobiya Abiy Axmed ayaa mudo kordhin aan la cayimin waqtiga ay ku egtahay loo sameeyay, kadib kulan xasaasi ah ay yeesheen Baarlamaanka dalkaasi.

Kulanka Baarlamaanka yeesheen ayey u codeeyeen in mudo kordhin loo sameeyo Dowlada uu hogaamiyo Ra’isul Wasaare Abiy Axmed, waxaa sidoo kale iyana mudo kordhin loo sameeyay Madaxda maamul goboleedyada dalkaasi.

Sababaha mudo kordhin loogu sameeyay dowlada Ra’isul Wasaare Abiy Axmed ayaa lagu sheegay cudurka halista ee Caronavirus ,waxaana xildhibaanada isku raaceen in xiligan oo qatar caafimaad jirto dalka aan doorasho lagu qaban karin.

Baarlamaanka dowlada Itoobiya ayaa go’aamiyay in doorashada dalkaasi dhaceyso 9-bilood kadib marka Wasaarada caafimaadka xaqiijiso in aysan jirin qatar caafimaad gaar ahaan cudurka Caronavirus.

Siyaasyiinta kasoo horjeeda talaabadan mudada loogu kordhiyay dowlada uu hogaamiyo Abiy Axmed ayaa walaac xoogan muujiyay, waxa ayna sheegeen in aan la ogaan karin xiliga uu dhamaanayo cudurka Caronavirus.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Midowga Afrika oo ka hadlay khilaafka Siyaasadeed ee Farmaajo iyo Rooble

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyay Dilkii Muqdisho loogu geestay Taliye Maxaadey iyo Warar kale

admin

WHO oo ku dhawaaqay xaalad degdeg ah kaddib markii …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---