Allbanaadir.com
NEWS

Siyaasi caan ah oo qiimeyn ku sameeyay Warkii kasoo baxay dowlada Mareykanka

Wasiirkii hore ee Qorsheynta Qaranka ee dowladdii hore C/raxmaan Caynte ayaa qiimeyn ku sameeyay war kasoo baxay dowlada Mareykanka oo ku aadaneyn xaalada siyaasadeed ee dalka iyo wadahadalada dowlada federaalka iyo maamul goboleedyada.

Mr Ceynta ayaana soo bandhigay qodobo uu uga hadlay waxa xiligan kusoo aadiyay qoraalada kasoo baxay dowlada Mareykanka ee uga hadleyso xaalada cakiran ee siyaasada Soomaaliya.

Halkan ka Akhriso Qoraalka Cabdiraxmaan Ceynte

Bismillah,

Haddii hadalkii shalay uu ahaa farriin lasoo dhigay barta Twitter ka, maanta warmurtiyeed faahfaahsan buu Mareykanu soo daba dhigay.

Waxaan arkay dad badan oo leh “dal madax bannaan ayaan nahay, shisheeyana hadal ugama furna amuuraheenna gudaha.

Waxaan dhihi lahaa, fadlan qiimeeya qodobbadan soo socda:

1. Soomaali heshiis ma aheyn tan iyo 1969-kii markii askartu qoriga caaraddiis ku qabsatay dalka, dastuurkii heshiiska lagu ahaana ay laaleen.

2. Soddonkii sano ee u dambeeyay, colaad sokeeye ayaa na ragaadisay. Reer walbana xaafaddoodii ayay ku laabteen markii lagu heshiin waayay qarankii naga dhaxeeyay.

3. Inkastoo aan dowlad caalamku aqoonsan yahay leennahay, haddana wali ma lihin tiirarka dowlnimada waarta, sida heshiis bulsho (dastuur), si dhab ahna loogama heshiin colaaddii gaamurtay. Dadkuna madaxdooda ma doortaan.

4. Dowladdeennu kam taliso inta badan dalka oo gacanta ugu jira dowlad goboleedyo iyo Al-Shabaab. Inta ay gacanta ku haysana waxaa ku ilaalinayay 20 kun oo AMISOM ah 14-kii sano ee lasoo dhaafay.

5. Ku dhawaad 70% miisaaniyadda Dowladda waa deeq ka timid saaxiibbada Soomaaliya.

6. Deeq bixiyaha ugu weyn 20kii sano ee lasoo dhaafay, isla markaana ah dalka ay ciidankiisa cirku joogtada ula dagaallamaan argagixisada Shabaab, waa Mareykanka. Intaas ayaana xaq u siineysa inuu talo usoo jeediyo madaxda Soomaalida. Haddii aan heshiis aan laheynna looma baahdeen taladaas.

Runtaas sida sibirka u qaraar haddaannaan isku sheegin, dhalanteed ayaan isugu bishaareyneynaa.

Wabillahi Towqfiiq.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu ka dhigan yahay dilka Sargaalka Maraykanku $10 malyan madaxiisa dul dhigeen

Cabdi Cade

Puntland oo DF ku eedeysay baaqashada shirkii beesha caalamka & D/goboleedyada

Caydiid Ali

Xasan Cali Nuur Shuute oo maanta ka bad baaday isku day lagu doonayay in lagu dilo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---