Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Meydka wiil Soomaali ah oo laga helay xabsi ku yaalla Germany & baaritaan socda

Xabsi dhalinyarada lagu xiro oo ku yaalla magaalada Neustrelitz ee dalka Jarmalka ayaa waxaa saaka qolkii uu kaga xirnaa laga helay meydka wiil Soomaali ah oo 19 sano jir ah.

Xeer ilaaliyaha guud ee deegaanka ayaa geerida marxuumka baaritaankeeda wada si loo ogaado sababta uu u dhintay.

Marxuumka oo aan magaciisa la sheegin ayaa sanad ka hor ayaa la xukumay waxaana lagu eedeeyay inuu dhac weyn geystay.

Ma ahan markii ugu horeysay ee dad Soomaali ah ay xabsiyada Jarmalka ku yaalla ku dhintaan, kuwaasoo qaarkood aan illaa hadda la cadeynin sababta ay geeriyoodeen

Wiilkan ayaa noqonaya qofkii 3aad ee Soomaali ah ee sanad iyo bar gudihiisa xabsi Jarmalka ku yaalla ku geeriyooda, sababta dhimashadiisana aanan la caddeyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

Sidee C/wali Gaas & Wafdigiisa loogu soo dhoweeyey Kismaayo? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Boqolaal arday oo Jaamacado ka baxay oo ku biiraya Booliiska Puntland (Sawirro)

Cabdi Cade

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Tarsan oo Farmaajo ugu baaqay in uu Beri is casilo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---