Allbanaadir.com
NEWS

Sheybaaro lagu baaro cudurka Covid-19 oo la geenayo afar maamul goboleed

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Fawziya Abiikar Nuur ayaa waxa ay ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay caabuqa COVID-19 ee dalka.

Wasiir Fawziya Abiikar Nuur ayaa shalay xaqiijisay 48 xaaladood oo laga soo kala xaqiijiyay 5 ka mid ah maamul goboleedyada dalka. iyada oo Gobolka Banadir laga helay 19 xaaladood, Somaliland 17 xaaladood, Puntland 8 xaaladood, Galmudug 2 xaaladood iyo Hirshabelle oo 2 xaaladood ah.

Hadda waxaa dalka kajira 5 Sheybaar oo lagu baaro caabuqa COVID-19, kuwaasi oo ku kala yaala Muqdisho 2 sheybaar, Puntland 2 sheybaar, Somaliland 1 sheybaar. Dhawaan waxaa shaqo bilaabi doono sheybaaro kale oo laga kala hirgelin doono Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland iyada oo latababaray shaqaalihii ka shaqeyn lahaa sheybaradaasi waxa ayna sugaayaan in lasoo dhameystiro agabkii ay ku shaqeyn lahaayeen oo ah agab horay loogu isticmaali jiray Sheybaarka Qaranka qeybtiisa qaaxada oo lagu magacaabo GeneXpert machine.

guud ahaan dalka waxaa hadda ku yaalo 15 xarumood oo lagu daaweeyo bukaanada la xanuusan cudurka COVID-19, waxaana yaala xarumaahsi 324 sariir.

Wasiir Fawziya ayaa mar kale ku celisay in Gobolka Banadir ay sdaraad ahayd markii ugu horyesay ee 24 saac aan laga helin cudurka COVID-19, si loo xakameeyo cudurkaan Wasaaradda caafimaadka waxa ay taqaatiir iyo agabka caafimaadka gaarsiisay maamul goboleedyada wadanka ilaa 27 magaalo ayaa lagaarsiiyay 13 tan oo agab caafimaad iyada oo loogu qeybinayay sida ay ukala baahi badan yihiin.

Wasiir Fawziya oo hadlka sii wada ayaa bulshdada u dirtay fariinta wacyigelinta cudurka COVID-19 iyada oo aad ula dardaarantay dhalinyarada maadaama ay yihiin da’da ugu badan ee cudurku ku dhaco si ay qeyb weyn uga qaataan xakameynta iyo wacyigelinta bulshada ayna u taxdaraan maadaama dhalinyarada uu xoogan yahay difaaca jirkooda, sidoo kale Wasiir Fawziya ayaa kula dardaarntay dhalinyarada in aysan cudur gaarsiinin qoysaskooda, saaxiibadooda iyo bulshada inteeda kale.

Ugu dambeyntii Wasiir Fawziya ayaa bulshada fartay in aysan isdhiganin maadaama uu cudurka ku yaraaday magaalada isaga oo dhanka kale kusii badanaya gobolada iyo in aan lajoojinin wacyigelinta, isticmaalka Af-xirka, kala fogaanshiyaha iyo in aan latagin meelaha ciriiriga ah.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qatar oo dowlada Somalia ku wareejisay doonyo, cagafyo iyo gaadiid (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamada AMISOM oo la wareegay goobaha ay ka dhacayso doorashada Jubaland & Somaaliland oo xaalku ku xunyahay !!

admin

Ra’isul Wasaare Rooble oo Shaqada ka joojiyay Wasiir tallaabo sharci daro ah qaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---