Guddiga Joogtada ah golaha shacabka Baarlamanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Xarunta ku-meel gaarka ah ee Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan oo Shir Guddominaayey kulanan ayaa waxa looga hadlay ajendeyaasha kalfadhiga 7-aad ee golaha shacabka
Golaha Shacabka ayaa yeelan doona beri oo Arbaco ah kulankooda uga horeeyey ee Kalfadhiga 7aad ee golaha shacabka waxaana looga hadli doonaa sharciga Axsaabta oo ka mid ah shuruucda ugu ahmiyadda badan sida uu warbaahinta u sheegay hab-dhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Nuux.
Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xili dalku uu galayo xaalad doorasho oo kala guur ah, isla markaana doorashooyinka bilaha soo socda la qabanayo lagu saleynayo nidaamka asxaabta badan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com