Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Laftagareen & wafdi uu horkacayo oo si weyn loogu soo dhoweeyey Xudur (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya , Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Xuddur ee Caasimadda Gobolka Bakool.

Safarka Madaxweynaha uu ku tagay Xuddur ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiirrada caafimaadka, maaliyadda, amniga, deegaanka, Xildhibaanno, Taliyayaasha Ciidanka xoogga Dalka ee degaanada Koonfur Galbeed iyo kan Darawiishta Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Lafta gareen, ayaa sheegay in Maalmaha uu ku sugan yahay Xuddur, inuu wax ka qaban doonaan baahiyaha ka jira Degmada, isla markaana uu Indha-indhayn ku sameyn doono sida ay u socdaan howlaha maamulka iyo Ciidamada.

Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa  lagu wadaa in uu xariga ka jaro Mashaariic horumarineed oo dowladda Soomaaliya ay ka sameysay Magaalada Xudur ee caasimada gobolka Bakool.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dibed-baxyo lagu dalbanayo iscasilaada RW Netanyahu oo ruxaya Israel (Sawirro)

Caydiid Ali

Boqor Burhaan oo ka hadlay Khilaafka Doorashada iyo kulan uu la qaatay Farmaajo, Deni iyo Madoobe

Cabdi Cade

Shirkadaha Diyaaradaha oo loo diiday in Dhuusomareeb u qaadaan Cabdi Xaashi iyo Qoor Qoor oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---