Allbanaadir.com
NEWS

Bangiga Caalamiga ee IBS oo soo kordhiyay Adeega IBS MOBILE BANKING (Sawirro)

Bankiga Caalamiga ah ee IBS ayaa Daahfurey Adeeg loogu magacdarey IBS MOBILE BANKING waxaa daafurkaas ka soo qayb galey Masuuliyiinta Bankiga iyo Xubno ka socdey Rugta Gancsiga Soomaakiyeed iyo Marti Sharaf

Ugu Horeyn waxaa ka hadley Mudane Shariif Nuur Yuusuf oo ka socdey Bankiga IBS wuxuu sheegey in adeegaan uu yahay adeeg kuu fududeynaya in aad lacagahaada aad si fudud ugala baxdid adigoo bankiga aadan imaan

Xubnihii kale ee ka hadley daahfurkaas waxaa ka mid ah gudoomiyaha Bankiyada Soomaaliyeed mudane Cabdulaahi Macalin Sabaax wuxuu sheegey in ay soo dhaweynayaan adeega ay bulshada uu u keeney Baniga IBS isagoo sheegey in Furitaankiisa uu ku soo aadey xili dalka uu ka jiro Xanuunka Corona Virus waxaana adeegaan uga maarmeysaa in aadan soo xaadirin Bankiga

Waxaa kaloo Daahfurkaas ka hadley Masuul ka tirsan Rungta Gancsiga Soomaaliyeed Maxamed Cabdi Martela wuxuuna sheegey in Rugta ay soo dhaweyneyso Adeegaan oo uu sheegey in fududeynayo Ganacsiga Gudaha ito Dibadda wuxuuna u soo jeediyey Bulshada Soomaaliyeed in ay ka faaiideystaan adeega IBS MOBILE BANKING

Madaxa Suuqgeynta Bankiga Shuceyb Maxamuud Maxamed oo isna halkaas ka hadley ayaa sheegey in adeegaan uu Bankiga kuu fududeynayo helitaankiisa islamarkaasna Macaamiisha Cusub ay si wanaagsan Bankiga u soo dhaweynayo

adeegaan ayaa ah adeeg aad kala soo dageyso Internetka kaasoo aad iska diwaangelineyso Bankiga wuxuuna kuu fududeynaa adiga Bankiga imaanin in aad Dibadda, Goobtaada Ganacsiga , Gurigaada ,p Xafiiskaada aad Mobile kaada kala bixi kartid isla markaana aad ka diri kartid

Faaidooyinka gaarga ah ee ad ka heli karto waxaa kamida

1. inaad kalasocon karto haraaga koontadada markasta iyo meelkasta.
2. Waxa uu kuu sahalayaa inaad udirto Lacag qof kle laguuna so diro.
3. waxaad ku bixin karta lacagaha biilasha sida waxbarashada, Korontada, biyaha, TV ga iyo waxi lamid ah.
4. Wuxa uu kuu sahlayaa inaad si fudud lacag ugula bixi karto ATM ka adigo aanan wadan Master kaarkaaga IBS.
5. waxaad si fudud ku heli kartaa dhaqdhaqaaqa xisaabtaada (Account Statement)
6. waxaad kaga shuban kartaa lacagaha ku hadlaka sidoo kalana u diri karta eheladada iyo asxabtada.
7. waxaad ku maamulan kartaa mastercard kaaga IBS sida inaad badalan karto limit kaaga, ka xiran karto cardkaaga hadii uu ka lumo sdioo kalana aad ka furan kartid.
8. Isticmaalka iyo adeegsiga IBS Mobile banking wa maano laysku haleen karo.

Ku dooro Sahlanaan, Degdegsiimo iyo amaano.

https://play.google.com/store/apps/details?id=com.ibsbankmobile

https://apps.apple.com/ke/app/ibs-mobile-banking/id1500860861

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Xoosh oo jawaab kulul baraha bulshada u mariyey Madaxweynihii hore ee Somalia

Caydiid Ali

Maxkamad amartay in Shirkadda Apple bixiso lacag dhan14 Bilyan oo Dollar

Cabdi Cade

Khayre oo la kulmay Amiirka dowladda Qatar Tamim bin Hamad Al Thani (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---