Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Haramcad oo la geeyay Wadada aada Jazeera iyo hal sabab oo keentay

Ciidamo badan oo booliis ah gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa la geeyay wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo deegaanka Jazeera oo dalxiis loo tago maalin kasta.

Sida aan wararka ku helnay ciidamadan cusub ayaa sababta loo geeyay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Jazeera ayaa lagu sheegay in ay kahor tagayaan kooxo burcad ah oo wadadaasi kusoo batay kuwaa oo dhac u geesta dadka Jaziira dalxiiska u aada.

Ciidamadan ayaa sidoo loogu tala galay in ay kahor tagaan maleeshiyo beeleed ku sugnaa aaga Jaziira kuwaa oo lacago baad ah ka qaadan jiray gaadiidka ay wataan dadka aada inta badan xeebta Jaziira.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo masuliyiin kale ayaa shalay kormeer ku tagay wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo xeebta Jaziira si ay usoo qiimeeyaan xaalada halkaasi ka jirta.

Shacabka magaalada Muqdisho ka baxa ee dalxiiska u taga xeebta Jaziira ee kutaala duleedka Caasimada ayaa dhibaato badan ku qabay maeeshiyada hubeesan oo inta badan lacago baad ah dadka ka qaada iyo kuwa dadka ka dhaca meebeelada.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyihii Booliska gobolka Cayn ee Puntland oo la xiray & sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo magacawday guddi baaritaano ku sameeya xaalada Laascaanood

Cabdi Cade

Netanyahu oo ka tanaasulay qodobo hor taagnaa xabad joojinta

Caydiid Ali
Taboola Ads ---