Allbanaadir.com
NEWS

Qorshayaal Qarsoon oo la sheegay in Fulintooda lagu qarinayo Khudbadii Madaxwene Farmaajo !

Khudbadii Madaxweyne Farmaajo ee Xildhibaanadu ku buuqeen iyo abaabulkii Banaanbixii Xoogaga Wadaniyiinta ee shalay ka dhacay magaalda Mogadishu waxaa ka dambeeya qorsheyaal qarsoon oo fulintooda la rabo in lagu qariyo khudbado xamaasadeysan iyo qaylodhaan been ah.

Marka koowaad: Maqaamka iyo Matalaada Gobolka Banaadir waa dastuuri waxaana si cad loogu sheegay qodobka 9aad ee dastuurka KMG ah, waxaana sharci gaar ah ka soo saari doona labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Marka labaad: Khudbadii Madaxweyne Farmaajo Barlamaanka ka jeediyay ee uu uga hadlay maqaamka Gobolka Banaadir iyo in uu matalaad ku yeesho Aqal Sare hal ujeedo ayuu ka leeyahay uuna rabaa in uu ku fushado ee qorshaha uguma jirto in uu wax taro Gobolka Banaadir iyo dadka degan midna.

Madaxweyne Farmaajo ma rabo in uu qabto doorashada dastuurka iyo sharciga doorashooyinka ku qoran. Waxaana u qarsoon qorshe uu ku badalayo qodobada 89aad dastuurka KMG iyo 11aad Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee sida cad u qeexaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ay dooranayaan labada Gole Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Waana meesha sartu ka quruntay oo Madaxweynuhu wali ma samrin, kalsoonina kuma qabo Xildhibaano wax dooranaya xitaa hadii isagu gacantiisa ku soo qorto. Wuxuuna wali ku dheggan yahay in Xoogaga Wadaniyiinta oo kaliya mar kale Madaxweyne ka dhigi karaan❗️

Si arintaan ay ugu meel marto marka hore wuxuu soo jeedin doonaa in la badalo qodob dastuurka ka mid ah oo ku saabsan in Gobolka Banaadir uu xubno ku yeesho Aqalka Sare, xubnahaas waxaa lagu qaybin doono nidaamka awood qaybsiga beelaha 4.5. Tusaale ahaan waxa lagu darayaa 5 xubnood oo shanta beelood mid waliba hal kursi ay yeelanayso, ujeedaduna waa in uu fursad u helo marka la furo dastuurka in uu badalo labadaan qodob ee isagu sida gaarka ah u daneynayo.

Mudane Madaxweyne Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Waayeel hortiisa ayaa caano loogu barxaa”. Dad waaweyn oo waliba soo jeeda ayaan nahay ee riyada aad kujirto inta ka soo dhamaatid fadlan dalka iyo dadka boholo haku ridin.

W/Q Hon. Mahad Salad

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamaa Jubbaland oo sameeyay Dhoolo tus ay awoodooda kusoo bandhigeen (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Qaybta 2 aad :-Maxaa sababay in saddex jeer la Cadaabo qoomkii loo diray Nebi Shuceyb CS?

admin

Madaxweyne Trump oo codsaday in uu la kulmo Xi Jinping iyo Sababta keentay

Cabdi Cade