Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo katirsan Ilaalada Madaxtooyada oo Tababar loo soo xiray (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta tababar loo soo xiray ku dhowaad labo boqol  askari oo katirsan Ciidanka Ururka 60-aad ee ilaalada madaxtooyadda Soomaaliya, kadib tababar dhoor bilood ah u socday ciidankaasi.

Wasiir ku-xugeenka Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya C/llaahi Colaad  Rooble iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Sareeya Gaas Cabdiweli Jaamac ayaa maanta tababarka usoo xiray ciidankan katirsan ilaalada Madaxtooyada.

Taliyaha Ururka 60-aad ee Madaxtooyadda Gaashaanle Odawaa Yuusuf Raagge ayaa sheegay ciidankan tababarka loo soo xiray ay qaateen tababaro kala duwan oo ay ugu horayso la dhaqanka shacbiga iyo masuuliyiinta imaanaya madaxtooyadda.

Waxa uu sheegay taliyaha in ciidankan cusub in la baray kor u qaadista howlgalada ay ku jiraan oo ay kow ka tahay ilaalinta wadooyinka soo gala madaxtooyada, waxa kale oo uu sheegay in la baray ciidankan ixtiraamka taasoo kor u qaadaysa in la helo ciidan qaran oo faham buuxda ka haysa wadaniyada iyo ilaalinta karaamada shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sareeya Gaas Cabdiweli Jaamac Warsame (GOROD) ayaa sheegay marka hore in ciidanka ilaalada Madaxtooyada ay ka duwan yihiin dhammaan ciidanka xoogga dalka, sababtuna tahay iney ka howl galaan xarunta ugu weyn ee dalka laga maamulo iskuguna yimaadaan madaxda oo idil, wuxuu sheegay in tababarka ay qaataan wax badan ay ka badaleen shaqooyinkooda.

Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ayaa marar badan tababaro loo soo xiray, waxaana ciidankan cusub Madaxtooyada kusoo biirayaan xili isbadal lagu sameeyay Taliskii ciidanka Ilaalada Madaxtooyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxa barnaamijka CIP ee World Bank iyo Wafti uu hogaaminayay oo Gaaray Garawe

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo & Abiy Ahmed oo khadka telefanka ku wada hadlay

Caydiid Ali

Madaxweyne Trump oo ka laabtay hadal uu horey u sheegay kadib markii laga carooday

Cabdi Cade