Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo Milatari iyo Nabad sugid ah oo gaaray Deegaano shalay lagu dagaalamay (Sawirro)

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya gaar ahaan qeybaha 21-aad iyo 27-aad ay wehliyaan ciidamo Nabad sugid ah ayaa ku baxay deegaanada xagar iyo laan-cadaad oo ka tirsan Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan oo shalay dagaal ka dhacay.

Deegaanadan ayaa shalay waxaa dagaal khasaaro dhimasho iyo dhaawac sababay ku dhax maray labo maleeshiyo beeleed , waxaana amar kasoo baxay taliyaha milatariga lagu faray talisyada ciidamada 21-aad iyo 27-aad in ciidamo geeyaan deegaanada lagu dagaalamay.

Ciidamada Milatariga iyo Nabad sugida Soomaaliya ee gaaray deegaanada lagu dagaalamay ayaa ku guuleestay in ay kala dhax galaan labada maleeshiyo beeleed ee dagaalamay, waxa ayna saraakiisha ciidamada kulamo la leeyihiin waxgaradka labada maleeshiyo.

Gobolada dhaxe ee dalka ayaa waxaa kusoo badanaya dagaalada u dhaxeeya maleeshiyo beeleedo isku heestay dhul daaqsimeed iyo ceel biyoodyo, waxaana dagaaladan ay noqdeen kuwa marar badan kusoo noq noqda goboalada dhaxe ee dalka.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Kenya oo fulisay qodob ka mid ah heshiiskii ay dhowaan la gaartay Somalia

Caydiid Ali

Dal ka tirsan Yurub oo $ 40 milyan ugu deeqay Soomaaliya

Caydiid Ali

Odayaasha Dhaqanka Galmudug oo digniino culus ka soo saarey Dhuusamareeb (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---