Allbanaadir.com
NEWS

Askar lacago baad iyo Laaluush ka qaadanayay Shacabka Muqdisho oo xabsiga la dhigay

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay qaar kamid ah ciidamada ka howlgala baraha koontarool ee yaala magaalada Muqdisho, kuwaa oo lagu eedeeyay in shacabka ka qaadanayeen lacago laaluush iyo baad isugu jiray.

Afhayeenka Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Dhame Sadiiq Adan Cali oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la xiray askar laaluush iyo baad ka qaadayay shacabka marayay baraha koontarool ee yaala Caasimada.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in cabasho ka timid shacabka Muqdisho keentay in baaritaano lagu sameeyo askar lagu eedeeyay in lacago baad iyo laaluush ka qaadi jireen dadka doonaya in wadooyinka ay joogaan maraan .

Ciidamada booliiska ee ka howlgala Muqdisho ayaa lagu eedeeyay in lacago baad ah dadka ka qaadi jireen intii lagu guda jiray Bandowgii fashilmay, waxa ayna ciidamada gaadiidka iyo mootooyinka xujo uga dhigi jireen in lacago baad ah bixiyaan si wadad u maraa .

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:-Muxuu RW Khayre ka sheegay Xuska Midowgii labada Jarmal oo Muqdisho lagu qabtay

admin

Wasiirka amniga oo War cusub ka soo saaray shaqaaqadii garoonka Aadan cadde

Caydiid Ali

Uhuru Kenyatta oo ka carrooday askar tagtay Guriga wiilkiisa farriina u diray Madaxweyne Rutu

Cabdi Cade
Taboola Ads ---