Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Netanyahu oo musiibo ku tilmaamay dilkii loo geestay Iyad Halaq

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa musiibo ku tilmaamay dil argagax leh oo dhamaadka bishii hore ciidamada Israa’il u geesteen nin dhalinyaro Falastiini ah oo qabay xanuunka Austism-ka.

Askari katirsan booliiska Isra’il ayaa toogtay Iyad Halaq xili uu marayay dhulka Yahuuda xooga ku heesato ee Bariga Qudus, booliiska ayaana sheegay ninkaasi oo xiliga la dilayay u socday iskuul gaar ah uga shakiyeen in uu hub watay balse markii dambe laga waayay.

Ra’isul Wasaare Benjamin Netanyahu, ayaa golaha wasiirada maamulkiisa kahor sheegay in musiibo aheyd dilka booliiska u geestay ninka dhalinyarada ah ee la xanuunsanayay cudurka Austism-ka.

“Waxa ku dhacay Iyad Halaq waa musiibo, ninkan jirkiisa iyo maskaxdiisu ma aanay dhammeystirnayn – waxaa hayay xanuunka austism-ka – waana laga shakiyay, waan ognahay in si khaldan loogu maleeyay inuu argagixiso yahay oo maraya goob xasaasi ah.”ayuu yiri Benjamin.

Qareenka qoyska Halaq Jad Qadmani ayaa dalbaday in baaritaan qoto dheer lagu sameeyo dilkan argagaxa lahaa, waxa uuna dalbaday in cadaalada la horgeeyo askartii ka dambeesay dilka loo geestay ninkan xanuunsanaa.

Dilka loo geestay Ninkan reer Falastiin ee qabay xanuunka Austism-ka ayaa caro badan abuuray, waxaana Hay’addo iyo dadka u dooda xaquuqda aadanaha ku cambaareeyeen maamulka Isra’il falkan askartooda geesteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ukraine oo weerarkii ugu weynaa ku qaaday Moscow (Sawirro)

Caydiid Ali

(Akhriso) DF oo amar cusub ka soo saartay Shahaadada safarka ee COVID-19

Caydiid Ali

(Sawirro) Xoghayaha A/dibadda Mareykanka oo Addis Ababa kula kulmay Madaxda Itoobiya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---