Allbanaadir.com
NEWS

Gudoomiye gobol oo u geeriyooday Cudurka Caronavirus iyo Madaxweyne ka tacsiyadeeyay

Wararka ka imaanaya magaalada Burco ee caasimada gobolka Togdheer ee maamulka Somaliland ayaa sheegaya in xalay dalka dibadiisa ku geeriyooday gudoomiyihii gobolkaasi Xamse Maxamed Cabdi .

Gudomiye Xamse Maxamed oo maalmihii lasoo dhaafay la ildarnaa cudurka Caronavirus ayaa shalay loo qaaday dalka Turkiga si looga daweeyo xanuuno halis ah ka dhashay cudurka Caronavirus oo ku dhacay.

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid gudoomiyihii gobolka Togdheer,  waxa uuna Madaxweynaha ilaah uga baryay marxuumka in janadii fardowso ka waraabiyo.

Muuse Biixi ayaa Gudoomiyaha geeriyooday ku sifeeyey masuul hawlkar ah oo xilal ka soo qabtay xukuumadihii kala danbeeyey, tilmaan iyo hiigsina u ahaa da’a yarta dalka, kuna suntanaa daacadnimo iyo dedaal.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shiinaha oo ka digay cawaaqib xumo ka dhalan karta haddii Mareykanka xiraan Tiktok

Cabdi Cade

Milatariga af-gembiga kula wareegay talada dalka Niger oo tallaabo cusub qaaday

Cabdi Cade

Qoys ka kooban 11 qof oo dhamaantood isdaldalay & Warbaahinta caalamka oo hadal heysa (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---