Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wararkii ugu dambeeyey xaaladaha cudurka COVID-19 ee Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan gelisay 45 kiis oo cusub oo ah dad laga helay cudurka COVID-19.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa lagu sheegay in dadkaas ay kala joogaan gobolka Banaadir 25, Somaliland 17, Puntland 2, iyo Koonfur Galbeed oo laga xaqiijiyay hal kiis.

Wasaaradda caafimaadka waxay sidoo kale soo warisay in hal qof uu COVID-19 u dhintay, taasi oo tirada guud ee geerida ka dhigeysa 83 qof.

Dhanka kale, waxay wasaaraddu sheegtay in xanuunka ay ka bogsoodeen 10 qof, taasi oo tirada guud ee bukaannada ka bogsooday cudurkan ka dhigeysa 441 qof, waxaana Tirada guud ahaan laga diiwaangeliyay Soomaaliya ay haatan gaartay 2,332 xaaladood oo COVID-19 ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muslimiinta Kenya oo ka carooday go’aan ka soo baxay Maxkamadda Sare ee dalkaas

Caydiid Ali

Gabdho kamid noqday Haramcad oo tababar loo soo xiray iyo Saraakiil darajooyin loo xiray (Sawirro)

Cabdi Cade

Xamaas & Israel oo is dhafasaday Meydad & Maxaabiis (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---