Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Booliska DF oo sheegay iney qabteen nin qarax ismiidaamin ah ka fulin rabay Muqdisho

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Dhamme Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) ayaa sheegay in Ciidamada Amniga ay gacanta ku dhigeen nin doonayay inuu isku qarxiyo dadkii maanta ka qeyb galay banaanbaxii Muqdisho ka dhacay.

Dhamme Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) ayaa intaas ku daray in ninka oo xirnaa jaakadaha qarxa uu rabay inuu isku qarxiyo dibad baxayaasha, isagoo xusay in qalabkii uu isku qarxin rabay iyo isagiiba gacanta lagu hayo baaritaan uu ku socdo.

“Maanta oo ah 7-da bisha Juun sanadka 2020 abaare 10:00 am Ciidanka Hogaanka Baarista Dembiyada ee C. I. D-da ee Booliiska Soomaaliyeed, ayaa fashiliyay labo qarax oo kala ah nuuca gaadiidka lagu dhajiyo iyo Jaakada loo Isticmaalo in la isku qarxiyo, xili dhagar-qabayaashu ay rabeen inay maanta ku isticmaalaan, Ex-Control Afgooye iyo Ceelasha Biyaha” ayuu yiri Dhamme Sadiiq Aadan Cali (Doodishe).

Sidoo kale waxaa uu sheegay in wixii ku soo kordha baaritaanka ninkaas isku qarxin rabay banaan baxayaasha ay dib ka soo sheegi doonaan.

“Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay miinooyinkii iyo dhagarqabayaashii watay iyadoo aysan wax qasaare ah geysan Waxaan Ummadda u balan qaadaynaa in Cadaalada la horgeyn doono” ayuu intaas ku daray afhayeenka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xisbiga Sheekh Shariif oo kahor yimid Qorshe ay damacsan yihiin madaxda DF iyo kuwa Dowlad goboleedyada

Cabdi Cade

Magaalooyinka Muqdisho iyo Bagdaad oo iskaashi cusub yeelanaya (Sawirro)

Cabdi Cade

Nin dilay gabar xiriir jaceyl kala dhaxeeyay iyo Xiisad dilkaasi ka dhashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---