Madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Maxamed oo hoggaamiya Isbaheysiga ugu weyn mucaaradka ayaa galabta la kulmay Guddoonka laba Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal C/raxmaan iyo Cabdi Xaashi C/llaahi.
Kulankii hore ee maanta dhex maray maray Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Madaxweyanyaashii hore ayaa wararku sheegayaan in looga hadlayo xaaladda Doorashada dalka, nooca doorashada suuragalka ah iyo doorka Baarlamaanka iyo Samileyda Siyaasadda.
Madaxweynayashii hore oo aaminsan in dalka aysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah ayaa la sheegay labada guddoon ee Baarlamaanka kala hadlayaan sidoo loo heli lahaa nidaam kale oo doorashada ka dhaceysa dalka loo hirgelin lahaa, iyadoo aan waqti dheeraad ah lagu darin.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhegan in Doorasho uu sheegay inay ku dhaceyso waqtigii loogu talogalay oo dadweynaha Soomaaliyeed ka qeybgeli doonaan, wuxuuna arrintaasi qabaa inay go’aankeeda leeyhiin xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka oo kaliya.
Mucaaradka DF ayaa si weyn uga walaacsan in dowladu aysan daacad ka aheyn qabashada doorashada ayna dooneyso iney xilka kordhisato inkastoo Madaxweyne Farmaajo uu shalay kalfadhigii baarlamanka ka sheegay in doorashada ay ku dhici doonto xiligii loogu talo galay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com