Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Axmed Bisle & xubno kale oo lagu dilay dagaalo ka dhacay gobolka Sh/hoose

Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegay iney howlgal qorsheysan oo ku dileen saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan  Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidanka xoogga ayaa sheegay in ciidamo ka kala yimid dhinaca xeebta Jasiira iyo dhinaca magaalada Marko  ay hawlgal qorshaysan ku qaadeen degaanada ay Al-shabaab kaga sugan yihiin  dhanka xeebta  sida Jilib Marka, Gendershe iyo Dhanaane.

“Ciidamada Xoogga ayaa isku fidiyay wadada dheer ee  xeebta ah ee aadda magaalada Marka, iyagoo baacsanaya Argagixisida Alshabaab waxaana howlgalkaan lagu khaarajiyey ku dhawaad 17 ka tirsan maleeshiyaadka Alshabaab iyo horjoogayaal” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo saxaafada la hadlay.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa xaqiijiyey in saraakiisha howlgalka lagu dilay uu ka mid ahaa Axmed Bisle oo Ka tirsan saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab iyo qaar kale., isagoo xusay in howlgalka lagu gaarsiiyay Al-shabaab khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac isla markaasna lagu burburiyay saldhigyo ay ku lahaayeen degaanada xeebta ah.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa isna sheegay in ciidamadda XDS ay degaanka Abaal oo 20km dhanka koonfureed ka xiga degmada Xudur ee gobolka Bakoo ay ku dileen 37 ka tirsan Al-Shabaab ah iyo 3 saraakiil kale kuwaasoo uu kamid yahay sarkaalkii u qaabilsanaa Al-shabaab degmada xudur iyo nawaaxigeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Prof. Saciid Ciise: “Caymo ma leh cidii dugsata Murtidiinta Siyaasadeed”

Caydiid Ali

Wararkii u dambeeyey xiisada ka aloosan Bariga dhexe

Caydiid Ali

Bangiga Aduunka oo Somalia u ogolaaday in la siiyo $55 milyan iyo Wasiir Beyle oo ka hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---