Waxaa maanta Muqdisho ka dhacay banaan baxyo waa weyn ay kasoo qeyb galeen dadweyne ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir, banaan baxan ayaana lagu taageeray Baaqa Madaxweyne Farmaajo ee ku aadan g/Banaadir in uu helo matalaad.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo maanta ka hadlay banaan baxa ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay hadalkii Madaxweyne Farmaajo.
Waxa uu sheegay Cumar Finish in shacabka magaalada Muqdisho isugu soo baxeen sidii ay u muujin lahaayeen dareenkooda ku aadan in gobolka Banaadir helo matalaada siyaasadeed uu xaqa u leeyahay.
Cumar Finish ayaa sheegay in ay magaalada Muqdisho oo ah caasimada dalka u qalanto matalaad ka mug weyn mida dowlad goboleedyada kale ku leeyihiin labada aqal ee dowlada, waxa uuna xusay in nasiib daro tahay in Muqdisho wali helin mudnaanteeda.
“Muqdisho waxay u qalantaa matalaad ka macno sareysa oo ka mug weyn mataaladaha dowlad goboleedyada, dowlad goboleedyada waxay leeyihiin matalaad siyaasadeed haddii ahaan laheyd aqalka sare iyo aqalka hoose, waxaa la aqbali karin mataalad la’aanta siyaasadeed ee Gobolka Banaadir inay sii socoto, waxaa kale la aqbaleyn mataalad ka hooseysa dowlad goboleedyada”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.
Banaan baxyadan ruxay magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid lagu raadinayay in gobolka Banaadir ay ku nool yihiin dad ka badan 3-milyan oo qof sanado kadib matalaad iyo xubno ku yeelato aqalka sare ee dalka .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com