Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada booliiska oo gacanta ku dhigay nin qarax ku xiray Gaari uu leeyahay masuul 

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa saakay gacanta ku dhigay nin la sheegay in qarax ku xiray gaari uu lahaa nin masuul ah, waxaana booliiska qaraxaasi ku guuleesteen in ay qarxiyaan iyada oon dhibaato geesan.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Sadiiq Adan Cali oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada booliiska qabteen nin uu sheegay in qarax ku xirayay gaari uu sheegay in uu leeyahay masuul uusan magaciisa xusin.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in ninkan xogtiisa la hayay laguna daba jiray, waxa uuna xusay in la qabtay xili uu qarax ku xirayay gaari yaalay Isgooska ex-Coontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho ,

Afhayeenka booliiska ayaa xusay in ninkan ciidamada qabteen loo gacan galiyay hay’addaha ku shaqada leh baarista dambiyada loo heesto, waxa uuna xusay in ninkaasi cadaalada la horgeyn doono si loogu qaado ciqaabta dambiga uu galay.

Qaraxan ciidamada booliiska qabteen ayaa isla saakay lagu qarxiyay isgooska ex-koonatrool Afgooye, mana jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay qaraxan ay saakay fashiliyeen ciidanka booliiska Soomaaliya.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaaradda amniga oo soo saartay ammar ku socda dadka hubka Sharci darrada ah ku heesta Muqdisho

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Muslim ah oo Warqad Codsi ah u diray Milkiilaha Shirkadda Facebook

Cabdi Cade

Wariye Caan ah oo loo xiray Akhrin La’aanta Wareegto kasoo baxday Madaxweyne

Cabdi Cade
Taboola Ads ---