Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa goordhaw fashiliyay qarax miino oo lasoo dhigay boosteejo gaadiidka dadweynaha laga raro oo kutaala Isgooska Ex-Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.
Wararka aan helnay ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa miino meel lagu qariyay ayaa waxaa arkay dad goobta ku sugnaa, waxaana si deg deg ah loogu wargaliyay qaraxaasi ciidamada booliiska gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran.
Ciidamada booliiska oo gaaray goobta qaraxa la dhigay ayaa dadka halkaasi ka fogeeyay , waxaana kooxda u tababaran miinada ku guuleesteen in ay qarxiyaan miinada iyada oon waxyeelo geesan.
Fashilinta qaraxan miino ayaa kusoo aadaya xili saakay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ka socdaan banaan baxyo waa weyn oo lagu taageerayo Dowlada gaar ahaan hadal Madaxweyne Farmaajo shalay ka dhawaajiyay.
Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa sidan oo kale maalmo kahor u qarxiyay miino lasoo dhigay meel ku dhaw Jaamacada Umadda Soomaaliyeed kadib markii ciidamada lagu wargaliyay qarxaaasi miino.
Â
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com