Allbanaadir.com
NEWS

Genaraal Haftar iyo Xulufadiisa oo xaalku ku xun yahay iyo Turkiga oo sabab u noqday

Dalka Liibiya magaalooyin kuyaala waxaa ka socda dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada daacada u ah dowlada Qaramada Midoobay aqoonsan tahay iyo maleeshiyaad ka amar qaata Janaraal Khalifa Haftar oo doonaya in talada Liibiya xoog kula wareego.

Ciidamada dowlada taabacsan oo taageero xoogan ka helaya milatariga Liibiya ayaa guulo waa weyn ka gaaray dagaaladii ugu dambeeyay ee la galeen ciidamada Khalifta Haftar ee ku sugnaa magaalada Tropoli iyo magaalooyin kale.

War kasoo baxay ciidamada daacada u ah dowlada Liibiya ayaa lagu sheegay in dagaal xoogan ku qabsadeen magaalada Sirta oo horey gacanta ugu hayeen maleeshiyaadka Khalifa Haftar hogaamiyo.

Dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Sirta iyo goobo kale ayaa lagu jabiyay maleedhiyaadka Khalifa Haftar, waxaana wararku sheegayaan in xaalada hada ku xun tahay khalifa Haftar oo horey looga saaray garoonka diyaaradaha Tripoli.

Maleeshiyaad calooshood u shaqeestayaal u dhashay Ruusha ayaa ka baxay aaga hore ee dagaalka, waxaana arintan dhabar jab ku noqotay jeneraal Haftar iyo maleeshiyaadka uu hogaaminayay.

Milatariga Turkiga ayaa la sheegay in sabab u noqdeen jabka soo gaaray xulufada khalifa Haftar ay ku jiraan Imaaraadka, Masar iyo Ruushka , waxaana ciidamada dowlada Liibiya taageero weyn ku siinaya dagaalka ay ku jiraan milatariga Turkiga dalkaasi geeyay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

James Swan iyo Wafdi la socday oo gaaray Dhuusomareeb lana kulmay Qoor Qoor (Sawirro)

Cabdi Cade

Al Shabaab oo saakay qaraxyo ku gubtay Suuq kuyaalla Muqdisho

Cabdi Cade

Midowga Musharaxiinta oo soo saaray Qoraal ay wel wel badan ku muujiyeen (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---