Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo badan oo lagu soo daadiyay Wadooyinka Muqdisho iyo Sababta ka dambeesa

Ciidamo badan oo booliis ah ayaa saakay lasoo dhigay qeybo badan oo kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho, ciidamadan ayaana xiray qaar kamid ah laamiyada muhiimka ah ee caasimada mara.

Dadka degan magaalada Muqdisho ayaana saakay ku baraarugay ciidamo badan oo lasoo dhigay wadooyinka kuwaa oo gaadiidka dadweynaha u diidaya in ay maraan wadooyinka, waxa ay sidoo kale ciidamadan si weyn u ilaalinayaan amaanka.

Ciidamadan lasoo dhoobay wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa loogu tala galay in ay ilaalinayaan banaan bax weyn oo la filayo in maanta ka dhaco qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Banaan baxan oo abaabulkiisa xalay ilaa saakay si weyn uga scday magaalada Muqdisho ayaa lagu taageerayaa baaqii Madaxweynaha Soomaaliya u jeediyay xildhibaanada labada aqal ee ku aadanaa in aqalka sare matalaad ku yeelato Muqdisho.

Maamulka gobolka Banaadir ayaana wada ababaulka banaan baxan oo la filayo in ay kasoo qeyb galaan masuuliyiin, waxaana banaan baxa la isugu keenayaa dadweyne badan oo laga soo aruuriyay degmooyinka gobolka Banaadir.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Xasan Macallin oo bahdil ku sameeyay Odayaal cabasho ugu tagay

Cabdi Cade

RW Khayre oo la xisaabtamay qeyb kale oo ka mid ah golihiisa Wasiirada (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Maraykanka oo bedelaya siyaasadiisa Somalia & Warar sheegaya in xilka laga qaadayo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---