Xildhibaanadii Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi (Farmaajo) maanta firimbi ku yeeriyay xilli uu jeedinayay khudbadda furitaanka kalfadhiga 7-aad ee labada gole ee uu ka kooban yahay baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay sababta ay ugu dhaqaaqeen falkaas, buuqana u kiciyeen.
Xildhibaannada buuqa iyo firimbiga billaabay waxaa kamid ahaa Xasan Cabdi Ismaaciil oo laga soo doorto Jubaland, kaasoo sheegay inuu saluugay qodobada uu madaxweynaha kusoo qaatay khudbaddiisa.
“Degaannada nalaga soo doorto dhibaato ayaa lagu hayaa, cunaqabateyn ayaa saaran. Anigu Jubaland ayaan ka soo jeedaa dadkeyga waa la cunaqabateeyay, Gedo waxa ka dhacaya waad u jeedaa,” ayuu yiri xildhibaan Xasan.
Waxa uu sheegay in fursadda keliya ee ay Madaxweynaha dareenkooda ku gaarsiin kareen ay ahayd kulanka maanta.
Senator Iftin Xasan Baasto iyo Xildhibaan Sacdiyo oo iyana ka mid ahaa xubnaha buuqa sameeyey ayaa sheegay Madaxweynuhu aanu ka hadlin dhibaatada dalka ka jirta, iyo xaalada dhabta ah, uuna hadalkiisa u badnaa mid macno daro ah.
Waxay ku eedeeyeen Madaxweynaha in aanu ka hadlin dhaqaatiirtii dhalinyarada aheyd ee lagu laayay deegaanka Gololey arrinta Kiiska Badda oo mugdi badan uu ku jiro, iyagoo sidoo kale sheegay in Madaxweynuhu uu damac ugu jiro muddo kororsi.
Buuq iyo fowdo ayaa ka dhashay xafladii furitaanka kalfadhigii 7-aad ee Baarlmaanka Federaalka markii uu damcay Madaxweyne Farmaajo inuu khudbadiisa jeediyo, waxaana qaska lagu sameeyay madaxweynaha hoggaaminayey Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare).
Madaxweynaha ayaa dhowr jeer intii uu khudbadda waday soo hadal qaaday ninka Firimbiga wata, wuxuuna codsaday in la is ixtiraamo, halka Guddoomiyaha Barlamaanka uu magaca xildhibaanka ku dhawaaqay, kuna amray inuu fariisto, laakiin Xildhibaan Xasan Yare iyo xildhibaannada kale waxay sii wateen inay buuq ku furaan khudbadda Madaxweynaha inkastoo markii dambe xaalada la dejiyey.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com