Allbanaadir.com
NEWS

Burcada Aduunka oo bilaabay kaarto cusub ay wax ku dhacaan iyo qeylo dhaan laga keenay

Burcada aduunka ayaa lagu soo waramayaa in ay bilaabeen qorshayaal cusub ay dhac ku geesanayaan, waxa ayna burcadan casrida ah bilaabeen in wax ku dhacaan diyaaradaha aan Duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drones.

Koox burcad oo afduub ka geysatay Maraykanka ayaa la sheegay in isticmaaleen diyaaradaha yar yar ee dhulka laga hago si ay u indho saabaan saraakiisha FBI oo sheedda kala socday halka dadka lagu haystay.

Agaasimaha tiknoolajiyadda FBI Joseph Mazel ayaa  sheegay in ay sii kordhayaan tuugada isticmaalaysa diyaaradahan Drones-ka loo yaqaano, waxa uuna ku baaqay in la keemo nidaam burcadan looga hortagi karo.

Burcada casriga ah ayaa la sheegay in isticmaalaan drones si ay u kala gudbiyaan daroogada iyo xitaa taleefoonada casriga ah kuwaas oo la geeyo xabsiyada sida ay sheegeen gole ay leeyihiin taliyeyaasha booliiska Maraykanka.

Kooxaha Burcada qaarkood ayaa diyaaradahan aan duuliyaha laheyn u isticmaala in ay ku illaalaystaan guryaha ay doonayaan in ay dhacaan, iyaga oo ku kala ogaanaya in laga maqanyahay iyo in kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wafdi hordhac u ah safarka Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Weerar Dad ka badan 200-qof oo Amxaaro ah lagu laayay oo ka dhacay gobolka Oromiya

Cabdi Cade

Maamulka Gobolka Banaadir oo bilaabay Qorsheyaal lagula dagaalamayo Musuq maasuqa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---