Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Taliyaha ciidanka milatariga oo kormeeray xerada Lama galaay (Daawo Sawirro)

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage oo howlo shaqo ku jooga magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa kormeeray Xerada lamagalaay ee Taliska guutada 5-aad oo ay ku sugan yihiin Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga .

Abaanduulaha Qaybta 27-aad Generaal Saalax Yacquub ayaa wafdiga Taliyaha Xoogga oo ay qayb ka yihiin Taliyaha Qaybta 21-aad General C/casiis C/llaahi Cabdi “Qooje” iyo Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad General Mascuud Maxamed Warsame kusoo dhoweeyay Xerada lamagalaay  ee Taliska guutada 5-aad oo ay ku sugan yihiin Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga .

Saraakiil, saraakiil xigeen iyo Dabley ka tirsan ururada guutada 5-aad ayuu taliyaha xoogga kula hadley xeradan oo booqashadiisani u aheyd Tii ugu horeysay ee mudadii uu Taliyaha Xoogga ahaa ku tago B/weyne.

Hadalka taliyaha xoogga oo ku qotomey waajibaadka adag ee laga rabo Ciidanka Xoogga ayuu ku tusaaleeyay Askartan dadaalka laga sugayo in ay u galaan Xoreynta Deegaanada ka maqan gacanta Dowlada iyo hab muuqaalka wanaagsan ee looga fadhiyo Askari walba oo qaadey masuuliyada qaranka gaar ahaan hab dhaqanka ciidannimo iyo xaq dhowrka bulshada amnigeeda masuulka laga yahay iyadoo laga fogaanayo tilaabo walba oo ka baxsan shuruucda ciidannimo .

Taliyaha xoogga ayaa carabka ku adkeeyay in la joogo waqti Xoogga dalku isbadal balaaran ka sameeyay dhanka soo kabashada Awooda Hugaanada kala duwan sarena loo qaadey fursadaha askari walbaa ku heli karo Xuquuqaaadkiisa oo mushaarku ugu horeeyo si ka sareysa sanadihii hore .

General Odawaa Taliyaha Xoogga ayaa si gaar ah u dhageystay duruufaha u gaarka ah Ciidamada Guutada 5-aad isagoo balan qaadey in taliska Xooggu ka jawaabayo baahiyaha loo soo gudbiyay iyadoo masuuliyad kastaba cidii loo dhiibay lagula xisaabtamayo .

Inka badan labaatan cisho oo taliyuhu kormeerkiisan ku howlanaa ayuu ku booqdey Xarumaha Ciidanka Xoogga Sida  Taliska Guud ee Qaybta 21-aad ee Magaalada Dhuusamareeb , Taliska Guutada 13-aad ee Cadaado, Dugsiyada Tababarada ee Harqaboobe iyo Uruuris ee Qaybta 21-aad , iyo Fadhiyo kale oo ciidamadu ku leeyihiin Gaalkacyo iyo Caabudwaaq.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mid ka mid ah raggii ka qeyb qaatay Weerarkii 14kii Oktoobar oo Xukun dil ah lagu fuliyey

Caydiid Ali

Haweeney Gubtay Guri Muqdisho ay ka dagneyd iyo Sababta ka dambeysa (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxda Maamul goboleedyada dalka ka jira

Cabdi Cade
Taboola Ads ---