Allbanaadir.com
NEWS

Sadex Wadan oo isku heysta nin lagu tuhmayo dilka Injineer Maxamed Al Zawari

Labo nin oo u dhalatay dalka Bosnia una shaqeenayay Sirdoonka Israa’il ayaa lagu tuhmayaa in ay ka dambeeeen dil bishii December ee sanadkii 2016 dalka Tunuusiya loogu geestay  Maxamed Al Zawari oo ahaa Injineer katirsanaa Kooxda Xamaas.

Maxamed Al Zawari ayaa ahaa injineer ka tirsanaa kooxda Xamaas ee u dagaalanta xurnimada Falastiin, waxa uuna Injineerkan Kooxda Xamaas u qaabilsanaa sameynta diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drones.

Mid kamid ah labadan nin ee lagu tuhmayo dilka Injineerkan katirsanaa Ururka Xamaas ayaa lagu qabtay dalka Croatia bishii Marso ee sanadkan, dowlada Tunusia ayaa dalkaasi ka codsatay in ninkaasi usoo gacan galiyaan.

Dowlada Bosnia uu kasoo jeedo ninkan la tuhmayo ayaa ka hor joogsatay dalka Tunusia in lagu wareejiyo ninkan la tuhmayo, waxa ayna dowlada Bosnia ku cadaadineysaa dalka ay jaarka yihiin ee Croatia in muwaadinkooda u gacan gelin Tunusia.

Tunisa ayaa sheegtay in Bosnia ka hor istaagtay in lagu soo wareejiyo ninkan lagu tuhmayo dilka Injineerka u dhashay Falastiin, Xeer ilaalinta dalka Tunsia ayaana wali ku raad jooga labadan nin ee dilka lagu tuhmauyo.

Sirdoonka Isra’il ayaa adeegsada kooxo wadamo kala duwan kasoo jeeda kuwaa oo dilal u geesta Xubno aqoonyahano ah oo katirsan Ururka Xamaas, waxaana dilkii ugu dambeeyay dhawaan dalka Malaysia loogu geestay Aqoonyahan katirsanaa Ururka Xamaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ajaaniib Lacago Malaayiin Dollar ah ka dira gudaha Soomaaliya iyo waxa ay yihiin dadkaasi

Cabdi Cade

Wasiirkii labaad oo 24 saac gudahood iska casilay dowlada Britain & Xiisad siyaasadeed oo taagan

Caydiid Ali

Dagaal dhiig badan ku daatay oo ka socda Deegaanno u dhaxeeya Caabudwaaq iyo Xeraale

Cabdi Cade
Taboola Ads ---