Waxaa hada si toos ah u socota Munaasabada Furitaanka kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kalfadhigan ayaana ah kan ugu dambeeya ee yeeshaan Xildhibaanada labada Aqal.
Munaasabada waxaa khudbado ka jeedinaya masuuliyiin kala duwan ay ku jiraan Gudoonka Baarlamaanka federaalka, waxaa sidoo kale munaasabada goob joog ka ah Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaaraha.
Khudbada Madaxweyne Farmaajo ayaana ah mid sida weyn loo wada sugayo, waxaana la filayaa in Madaxweyne Farmaajo ka hadlo dooarshada Soomaaliya ee shakiga la galinayo in ay dhaceyso iyo waliba sida ay u dhaceyso.