Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo raali galin ka bixiyay Hadal dhawaan kasoo yeeray

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Yariisow ayaa raali galin ka bixiyay hadal dhawaan uu sheegay oo siyaabo kala duwan Warbaahinta u fasireen.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Siyaasiyiin Mashquul ka dhigeen xafiiskiisa , waxa uuna intaa raaciyay in xubnahaasi ka mashquuliyeen shaqadii uu shacabka u qaban lahaa.

Qoraal kooban uu barta Facebooka soo dhigay Eng Cabdiraxmaan Yariisow ayuu raali galin ugu diray Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxa uuna sheegay in hadalkiisa si kale loo fasiray.

”Xildhibaanada sharafta leh ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaan ka raalli gelinayaa fasiraad laga bixiyey hadal ujeedku ahaa inaan Shacabka waqti badan u helo” Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa  Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Yariisow ayaa dhoorkii bilood uu xilka hayay la yimid wax qabad muuqda ay raali ka noqdeen Shacabka gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Biixi oo la tukaday shacabka Hargeysa, eedeyna u jeediyey DF (Sawirro)

Caydiid Ali

Dad ka careysnaa Dilkii Qasim Suleymani oo isugu soo baxay jidadka Baqdaad (Sawirro)

Cabdi Cade

Masuul ka tirsan Guddiga Xakamaynta COVID-19 aabihiis oo u geeriyooday Coronavirus

Caydiid Ali
Taboola Ads ---