Allbanaadir.com
NEWS

Fadeexo caro dhalisay oo kusoo baxday booliiska Mareykanka (Daawo Sawirada)

Tacadiyada booliiska dalka Mareykanka u geesanayaan dadka shacabka ah ayaa sii kordhaya, xili qeybo badan oo kamid ah dalkaasi hada ka socdaan banaan baxyo looga soo horjeedo dilkii booliiska u geesteen George Floyd.

Muuqaalo cusub oo la baahiyay ayaa muujinaya booliiska oo tacadiyo u geesanaya qaar kamid ah dadka ka banaan baxayay dilkii booliiska u geesteen Mr Floyd, waxaana sii kordhaya carada dadka ka qaadayaan hab dhaqanka booliiska Mareykanka.

Booliiska magaalada Buffalo, ayaa si arxan dara ah ula dhaqmay nin 75-sano jir ah oo u yimid booliiska xili ay dhaqan galinayeen bandow lasoo rogay, waxaana muuqaal la duubay laga arkayay booliiska oo dhulka ku tuuraya odaygaasi.

Muuqaalka ayaa laga arkayaa booliiska magaalada Buffalo oo dhulka ku tuuraya ninka odayga ah kadibna madaxa ka garaacaya, waxaana odaygaasi dhiig ka keenay dhagihiisa kadib tacadiyada booliiska kula kaceen.

Warbixin booliiska kasoo saaray dhacdadan ayaana caro badan sii abuurtay, waxaana booliiska Qoraal ku sheegeen in ninka odayga ah uu kufay xili booliiska rabshado dhax marayeen, balse booliiska aya amarkii dambe shaqada ka joojiyay labo askari.

Booliiska dalka Mareykanka ayaa lagu cambaareeyay tacadiyada ay u geesanayaan dadka shacabka ah ee banaan baxyada dhigaya, waxaana shacabka Mareykanka naceyb u qaadeen booliiska iyaga oo gubaya gaadiidkooda sidoo kale dagaal kala hortagaya.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

C/raxmaan Ciro oo 10 qodob ku eedeeyey Maamulka Muuse Biixi (Akhriso)

Caydiid Ali

Xubno ka socday Booliiska Caalamiga oo soo gaaray Muqdisho lana kulmay Xijaar (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Waare Oo la Kulmay Ben Fender iyo Staffan Tillander (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---