Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Waa Maxay ujeedka safarka uu Taliyaha ciidanka Xoogga ku tagay Belad-weyne?

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jen. Odowaa Yuusuf Raage oo ka soo ambabaxay gobolka Galgaduud ayaa xalay gaaray Magaalada Beledweyne

Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka ayaa ka hortagay Taliye Odawaa, iyagoo ku soo dhaweeyay Magaalada Beledweyne, waxaana loo galbiyay Xerada Ciidanka lama-galaay ee magaalada Beledweyne.

Jen. Odowaa ayaa la sheegay inuu abaabul dagaal ka bilaabay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan kaasoo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan ciidanka XDS.

Saacadaha soo aadan ayaa lagu wadaa in taliyuhu booqdo saldhigyada ay ciidamada xoogga dalku ku leeyihiin gobolka Hiiraan, isagoo kulamo la qaadan doona saraakiisha ciidamada.

Taliye Odowaa ayaa horey u soo maray magaalada Dhuusamareeb, degmada Cadaado iyo degaano kale oo ka tirsan maamulka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka G/Banaadir oo ganaax ku soo rogay dadka aan qaadanin Af-xirka

Caydiid Ali

Maamulka Hirshabelle oo shaqada ka joojiyay una yeeray 12-Shirkadood

Cabdi Cade

Sacuudiga oo bedelaya xeer ka mid ah xeerarkii Salaada iyo dood kulul oo ka taagan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---