Xisbi Siyaasadeed Weyn oo la magac baxay Sahan ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay , waxaana Xisbigan si KMG ah Gudoomiye uga ah madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.
Xisbigan cusub ee kamid noqonaya Xisbiyada waa weyn ee dalka waxaa xubno ka ah siyaasiyiin magac leh oo dalka xilal kasoo qabtay, waxaa sidoo kale xisbigan ku jira dhalinyaro badan oo aqoonyahano .
Hogaamiyaha xisbigan Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxa uuna kamid yahay xubnaha aad loo saadaalinayo in ay kusoo bixi karaan doorashada la qorsheenayo .