Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska Galmudug oo xiray Masjid kuyaala Galmudug iyo Wasaarada Amniga oo kahor timid

Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in masaajid kuyaala magaaladaasi maanta si qasab ah u xireen ciidamada booliiska ee saldhiga Guriceel.

Masjidkan maanta la xiray oo sanado badan u xirnaa amar kasoo baxay kooxda Ahlu Sunna ee katalin jirtay magaaladaasi ayaa dhawaan dib loo furay kadib markii meesha ka baxday awoodii kooxda Ahlu Sunna.

Taliyaha booliiska saldhiga Guriceel ayaa la sheegay in maanta amar ku bixiyay in la xiro masjidkan oo dib u furistiisa kasoo horjeedeen qaar kamid ah bulshada Guriceel gaar ahaan kuwa taageersan fikirka kooxda Ahlu Sunna.

Mid kamid ah culimada masjidkan gacanta ku heysa ayaa sheegay in amar kasoo baxay taliska booliiska Saldhiga Guriceel lagu xiray Masjidka, waxa uuna tilmaamay in dadka bixiyay amarkan masjidka lagu xiray ku fikir yihiin kooxdii Ahlu Sunna .

Waxa uu sheegay Wadaadkan in dhawaan dhalinyaro iyo haween magaalada degan isku dayeen in ay gubaan masjidkan dib loo furay, balse arintaasi kahor tageen dadka kunool xaafada uu masjidkan kuyaalo.

Wasaarada Amniga maamulka Galmudug ayaa kahor timid amarka Masjidkan maanta lagu xiray, waxa ayna Wasaarada fartay booliiska in arimaha Masaajida faraha kala baxaan ayna tahay arintaasi mid u taala Wasaarada Owqaafta iyo arimaha Diinta.

Deegaanada kooxda Ahlu Sunna gacanta ku heysay ayaana horey looga ogoleyn in laga furo Masaajida iyo dugsiyada Quraanka aan ku fikirka aheyn kooxda Ahlu Sunna, hasa ahaatee markii meesha ka baxday Ahlu Sunna ayaa laga furay masaajid iyo dugsiyo horey u diidi jireen.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka maamulka Garaadka Macmalka ee ee AI

Cabdi Cade

Israel oo qaaday tallaabo jawaab u ah hadalkii kasoo yeeray Antonio Guterres

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor oo kulamo kawada magaalada Gaalkacyo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade