Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Xaftar oo guul daro lasoo daristay lagana qabsaday Garoonka Diyaaradaha ee… 

Magaalada Tripoli ee caasimada Liibiya waxaa ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada daacada u ah dowlada caalamka aqoonsan yahay ee Liibiya iyo ciidamada uu hogaamiyo Janaraal Khalifa Haftar oo doonaya in talada dalkaasi xoog ku qabsado.

Ciidamada dowlada iyo Maleeshiyaad taageersan dowlada Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee Liibiya ayaa la wareegay garoonka diyaaradaha magaalada Tripoli oo horey gacanta ugu jiray ciidamada uu hogaamiyo Janaraal Khalifa Xaftar.

Howlihii ka socday garoonka diyaaradaha magaalada Tripoli ayaa hakad galay kadib dagaalka ka bilowday, waxaana qabsashada garoonkan guul weyn u tahay dowlada Liibiya oo guulo waa weyn ka gaartay dagaaladii ugu dambeeyay.

Dagaalka looga qabsaday garoonka diyaaradaha magaalada Tripoli ciidamada taageersan Khalifa Haftar ayaa kusoo aadaya xili ay socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu qaboojiyo dagaalka u dhaxeeya dowlada iyo Janaraalkan xukun doonka ah.

Ciidamada dowlada Liibiya ayaa guulo waa weyn ka gaaray dagaalka ay kula jiraan Khalifa Xaftar kadib taageero xoogan oo ka heleen dowlada Turkiga, waxa ayna guuldarooyinka Xaftar niyad jabisay Imaaradaka iyo wadamo kale oo taageersan Janaraal Xaftar.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muwaadiniin Kenyan ah oo u tartamaya xilka Madaxweynaha Jubbaland (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Daawo: Sawir shaki badan dhaliyey oo lagu arkay bogga Wasaarada A/dibeda Itoobiya

Caydiid Ali

Ciyaartoy ka qeyb galeysay tartan ciyaareed ka socda dalka Australia oo lala’ yahay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali