Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirada & Xildhibaanada Hawiye oo caawa kulan xasaasi ah ku leh Muqdisho

Wasiiro, Xildhibaano iyo Senataro ka soo jeeda Beelaha Hawiye ayaa caawa kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Xubnaha shirka ka qeyb galaya ayaa waxaa ka mid ah wasiirka Amniga DF Maxamed Abukar Islow Ducaale, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi Canshuur. Wasiirka Ganacsiga, Wasiiru dowlaha Gaadiidka, Wasiir ku-xigeenada Dekedaha iyo Dhalinyarada Iyo isboortiga, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Guddoomiye, qaar ka mid ah guddoomiye ku-xigeenada & xubno kale.

Sida ay wararku sheegayaan waxaa kulankan looga hadlayey Matalaada Aqalka Sare ee Gobolka Banaadir iyo 7 kursi ee Guddiga wadajirka Baarlamanka ay u qoondeeyeen gobolka in Aqalka sare kuwaasoo lagu qeybsanayo nidaamka 4.5.

Waxgarad iyo siyaasiyiin badan oo ka soo jeeda beelaha Hawiye ayaa si weyn uga soo horjeestay in xubnaha aqalka sare laga siiyey gobolka Banaadir lagu qeybiyo nidaamka 4.5, iyagoo xusay in xubnaha cusub ay xaq u leeyihiin beelaha dega Muqdisho oo kaliya.

Arrintan ayaa dhalisay hadal heyn iyo doodo kala duwam iyadoo dadka qaar ay difaacayaan in xubnaha Muqdisho laga siiyey Aqalka sare lagu qeybiyo 4.5 iyagoo daliishanaya in Xamar ay tahay caasimad u dhexeysa umadda Soomaaliyeed, ayna ganacsi iyo degaanba ku leeyihiin beelaha Soomaalida oo dhan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Bangiga Amal oo maanta daah furay Adeega Keyda Dumarka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Haweeney Madaxweyne kuxigeen ah oo dil ugu hanjabtay Madaxweynaha dalkeeda !

Cabdi Cade

Mid kamid ah Ergadii soo dooratay Xildhibaanada oo lagu dhax dilay gurigiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---