Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Shiinaha: “Maraykanku waa inuu joojiyaa xadgudubyada dhinaca Midabtakoorka ah”

Shiinaha ayaa mar kale Maraykanka ku dhaleeceeyey midab takoor iyo cunsurimo xilli ay dalkaas ka socdaan dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo dilka nin madow oo aan hubaysnayn.

“Waxaan rajaynaynaa in dowladda Maraykanka ay qaadi doonto tallaabooyin ay ku fulinayso waajibaadka ay beesha caalamka uga dalbanayso joojinta fuquuqa iyo ku xadgudubka dadka lagada tirada badanyahay.” Ayuu yiri Zhao Lijian, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Shiinaha.

Shiinaha “ Wuxuu mar walba ka soo horjeeda xadgudubyada dhanka midabtakoorka,” ayuu ku daray Zhao.Hase yeeshe, dowladda Shiinaha ayaa qudheeda si weyn loogu cambaareeyey falalka la xiriira cunsurinimada.

Dad Afrikaan ah ayey dhawaan dowladda Shiinaha ku qasabtay inay galaan karantiil, waxay muddo laba isbuuc ah ku noolaayeen jidadka magaalada Guangzhou iyaga oo aan haysan meel ay ku hoydaan. Shiinaha ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inay meel ku xireen malaayiin Muslimiinta Uighurs.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo qorsheenaya in uu ka furto Latin Amerika Xarumo uu dejiyo soo galootiga

Cabdi Cade

Madaxweyne Xassan Shiikh oo faahfaahin ka bixinaya 5 qodob oo xasaasi ah

Caydiid Ali

Wariye Caan ah oo Raaligelin  ka Bixiyey Heestii Duceysane Wiilkeyow uu bedelay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---