Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamadda gobolka Togdheer oo saakay gubtay Sulwaal uu watay nin tagay Maxkamada

Maxkamadda gobolka Togdheer ee maamulka Somaliland ayaa saakay gubtay sulwaal uu watay nin dhalinyaro ah oo maxkamada tagay kadib amar la sheegay in uu bixiyay Gudoomiyaha Maxkamada.

Sida aan Wararka ku helnay nin dhakinyaro ah oo kamid ah bulshada magaalada Burco ayaa saakay tagay xarunta Maxkamada gobolka Togdheer, ninkan ayaana la sheegay in uu xirnaa sulwaan dhanka jilbaha ka jeex jeexan oo inta badan xirtaan dhalinyarada.

Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Togdheer Muuse Dhoolayare oo arkay sulwaalka jeex jeexan uu watay ninkan ayaa amray in sulwaalka ninkaasi laga bedelo kadibna dab la qabadsiiyo, waxaana sulwaalkaasi lagu gubay gudaha Maxkamada.

Gudoomiye Muuse Dhooloyare ayaa amarkan lagu gubay sulwaalka jilbaha ka jeexnaa uu watay ninkan dhalinyarada ah u cuksaday anshax daro iyo in uu kasoo horjeeday dhaqanka suuban .

Baraha bulshada ayaana aad looga hadal hayaa dhacdada saakay lagu gubay sulwaalkan jilbaha ka jeex jeexan ee inta badan xirtaan dhalinyarada, waana markii ugu horeesay maxkamad kutaala gudaha Soomaaliya ay bixiso amarkan oo kale.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka K/Galbeed oo amar cusub ku soo rogay xarumaha Waxbarashada (Akhriso)

Caydiid Ali

Kheyre oo Qado loogu sameeyay Geed hoostiisa Codsina u diray Reer Dhuuso Mareeb (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xaaladiisa Caafimaad shaki la galinayay oo soo muuqday si adagna u hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---