Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Trump oo Hanjabaad culus diray xili xaalad adag ka jirto Mareykanka (Sawirro)

Waxaa sii xoogeesanaya banaan baxyada rabshadaha wata ee ka socda magaalooyin badan oo kuyaala Mareykanka, banaan baxyadan ayaana ah kuwa looga soo horjeedo dilkii sargaal booliis ah u geestay nin kamid ahaa bulshada Madow ee Mareykanka.

Madaxweyne Donald Trump ayaa socod ku tagay kaniisadda St John oo ku dheggan aqalka cad , waxaana kaniisadan waxyeelo gaarsiiyay qaar kamid ah dadka banaan baxyada ka dhigaya magaalada Washigton.

Donald Trump oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gudoomiyaasha gobolada iyo maamulada magaalooyinka Mareykanka ku guul dareesteen bad baadinta shacabka iyo joojinta banaan baxyarada rabshadaha wata.

Waxa uu ku hanjabay Madaxweynaha dalka Mareykanka in si deg deg ah u howlgalin doono ciidamo milatari ah oo soo afjara rabshadaha sii xoogeesanaya ee ka socda magaalooyin badan oo kuyaala Mareykanka.

“Waxaan anigu howlgelinayaa kumannaan kun oo asakri oo aad u hubeysan, milatari iyo ciidamada ammaanka ee fulinta sharciga u xilsaaran si loo joojiyo rabshadaha, boobka, bililiqada iyo burburinta hantida qaranka iyo midda shacabka,” ayuu yiri Trump.

Madaxweyne Trump ayaa si kulul u canbaareeyay dad uu sheegay in banaan baxyada socda in ay u badaleen kuwa rabsho oo lagu boobo hantida shacabka, waxa uuna ku goodiyay in talaabo adag la qaadayo.

Hanjabaada Trump ee ku aadan in uu adeegsanayo ciidamo milatari ah ayaa waxaa si kulul u cambaareeyay siyaasiyiin uu ku jiro musharraxa madaxweynanimada ee xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden, waxa uuna sheegay in Trump shacabkiisa u adeegsanayo milatari.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan Caawa lagu dilay magaalada Muqdisho iyo Madaxweyne ka hadlay Dilkaasi

Cabdi Cade

Sababta DF u taageertay Maamulka Axmed Madoobe u Magaacabay Gedo

Caydiid Ali

Xamse Barre oo kulan la qaatay Sheekh Sabaax Khaalid iyo Linda Thomas

Cabdi Cade
Taboola Ads ---