Allbanaadir.com
NEWS

Hadal heyn ka dhalatay Xil Dowlada u magacawday Maxamed Xaashi Carabey

Baraha bulshada iyo Warbaahinta ayaa aad looga hadal hayaa xilka agaasimaha Guud ee Wasaarada Batroolka iyo Macdanta xukuumada Soomaaliya ee dhawaan loo magacaabay Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Galmudug Maxamed Xaashi Carabey.

Inta badan dadka aragtiyada ka dhiibtay magacaabistan ayaa cadaalad daro iyo nin jecleysi ku tilmaamay in lakala fadilay Madaxdii hore ee Galmudug iyada oo qaraabanimo loo fiirinayo xil loo magacaabay Maxamed Xaashi.

Xoggo aan helnay ayaa sheegaya in Madaxtooyada Soomaaliya balan qaad u sameesay Maxamed Xaashi xiligii ay socotay doorashada Madaxweyne kuxigeenka Galmudug, waxaana Carabey lagu qanciyay in codkiisa siiyo Cali Ciid si isna xil looga siiyo dowlada.

Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Galmudug Maxamed Xaashi Carabey oo qaraabo dhaw la ah Madaxweyne Farmaajo ayaa la meeleeyay, halka Madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf iyo Gudoomiyihii Baarlamaanka Galmudug Gacal albaabada laga soo xirtay.

Hadal heynta ugu badan ee arintan ka dhalatay ayaa noqotay in Madaxtooyada aad looga qadariyo qabiilka iyo qaraabanimada, waxa ayna dadkii arintan ka hadlay ka dalbadeen Madaxweynaha in cadaalad falo iyagana xilal siiyo Xaaf iyo Gacal.

Warar kale oon helnay ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf iyo Gudoomiyihii Baarlamaanka Cali Gacal la siiyay lacag badan, kadib markii ay dalbadeen, waana tan hada keentay in Carabey xil loo magacaabo halka iyagana lacag ku badasheen.

Dowlada Soomaaliya ayaa marar badan xilal u magacawday siyaasiyiin xilal kasoo qabtay maamul goboleedyada iyo qaar kamid ah Hay’addaha dowlada, waxaana dadka qaar ee xilalka waaya la siiyaa xilal kale halka kuwa kalana albaabada laga xirto.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faafhaahin: Dilkii caawa Jowhar loogu geystay Wasiirka Beeraha Hirshabelle

Caydiid Ali

Madaxweyne Caan ah oo Madaxiisa la dul dhigay lacag gaareysa 15 milyan oo doolar 

Cabdi Cade

Ganacsade Cabduqaadir Jeemis oo la dilay iyo Faah Faahino kasoo baxaya dilkiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---