Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo ka hadlay sida uu u arko hadalkii kasoo yeeray Ra’isul Wasaare Kheyre

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdilaahi Deni ayaa soo dhaweeyay hadalkii dhawaan kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ee ku aadanaa in doorashada ku dhaceyso waqtigii loo qorsheeyay.

Waxa uu sheegay Deni in arinkan uu hada ka hadlay Ra’isul Wasaare kheyre uu yahay kii ay horey ugu baaqayeen, waxa uuna ka digay in la qabto doorasho ka duwan tii horey loogu heshiiyay.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in aysan raali ka noqoneyn in la qabto doorasho ku salaysan waxqaybsigga beelaha, waxa uuna ku baaqay in la ixtiraamo heshiisyadii hore lana qabto doorasho ka duwan kuwii hore.

Saciid Deni ayaa ugu baaqay Ra’isul Wasaare Kheyre in hadalka kasoo yeeray ee ah in doorashada waqtigeeda ku dhacdo uusan kaliya noqon hadal balse laga doonayo in ficil ahaan looga dhabeeyo.

Ugu Dambeyn Madaxweyne Saciid Deni ayaa cadeeyay in maamulka Puntland masiirkeeda aysan ka talin karin Xildhibaanada iyo golayaasha matala ee mudada kooban ay waqtigga xilhayntooda uga dhiman-tahay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Go’aanno xasaasi ah oo kasoo baxay Shirkii Jaamacadda Carabta iyo Maxkamad loo…

Cabdi Cade

Kulan Saddex geesood ah oo dhexmaray Madaxdii hore ee Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladda oo Muqdisho kasoo dejisay Soomaali kasoo carartay Colaada Sudan (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---