Allbanaadir.com
NEWS

Kooxda Liverpool oo Sawir fariin xumbaarsan uga dhiidhisay dilkii George Floyd

Dunida ayaa xiligan si weyn looga dareemayaa fal celinta ka dhalatay dilkii dalka Mareykanka sargaal katirsan booliiska dalkaasi u geestay George Floyd oo ahaa nin madow aan hubeesneen xiliga la dilayay.

Banaan baxyo waa weyn oo looga soo horjeedo dilka ninkaasi ayaa ruxay magaalooyinka waa weyn ee dalka Mareykanka, waxaa sidoo kale banaan baxyo dilkaasi looga soo horjeedo ka dhaceen wadamo kale.

Kubada cagta kooxaha ciyaara iyo ciyaartoy badan ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin sida naxariis darada ah ee loo dilay George Floyd, waxa ayna kooxahaasi iyo ciyaartoyda qaar direen fariimo ay cadaalad ku dalbanayaan.

Kooxda Liverpool ayaa garoonkeeda  Anfield kasoo dirtay fariin, waxaana kooxdan inta wareeg ku sameeyay jilbaha dhulka dhigtay  taageero u muujiyeen ololaha loogu magacdaray “Nolosha dadka madow qiimo ayay leedahay”

Xiddigaha Liverpool ayaa iyagana taageero u muujiyay mudaaharaadayaasha, iyadoo ciyaaryahan walba uu bogagiisa bulshada soo dhigay sawir ay kooxda iska qaaday iyagoo jilbaha dhulka dhigtay islamarkaana ku soo qoray: “Wadajir ayaa awood leh.

Waxaa sidoo kale jira ciyaartoy iyana ka ciyaara horyaalka Jarmalka ayaa fanaanado hoos gashi ah kusoo qoray cadaalad ha helo Goerge Floyd kadib goolal ay dhaliyeen kulamo ay ciyaarayeen.

Dilka sargaal cadaan ah oo katirsan booliiska Mareykanka u geestay Goerge Floyd ayaa caro badan dunida ka dhaliyay, waxaana muuqaalka dilkan oo sargaalka u adeegsaday jilibkiisa si weyn looga daawaday daafaha dunida.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Siyaasiyiin Mucaaradsan Laftagaren oo shir xasaasi ah ku yeeshay Nairobi (War Murtiyeed)

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo kormeeray xarunta Dab-damiska iyo Gaadiidka Gobolka (Sawirro)

Cabdi Cade

Xulka 17-jirada Somalia oo caawa la balansan dhiggooda Algeria (Maxaa laga filayaa?)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---