Allbanaadir.com
NEWS

Wasiiro katirsan maamulka Somaliland oo laga helahy cudurka Caronavirus 

Wasaarada Caafimaadka iyo daryeelka bulshada maamulka Somaliland ayaa shaacisay n cudurka safmarka ah ee Caraonavirus laga helay labo Wasiir katirsan Xukuumada uu hogaamiyo Muuse Biixi.

Wasiirka Maalgashiga Somaliland Maxamed Axmed Cawad ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in uu isku arkay calaamadaha lagu garto cudurka Caronavirus, waxa uuna tilmaamay in hada xaaladiisa wanaagsan tahay.

Mr Cawad ayaa sheegay in uu is galiyay karantiil si uusan cudurkan ugu sii faafin bulshada, waxa uuna ugu baaqay bulshada Somaliland in ay qaataan talooyinka caafimaad si looga hortago faafitaanka iyo qatarta cudurkan.

Wasiirka kale ee laga helay cudurka caroanvirus ayaan la shaacin magaciisa, waxaana labadan Wasiir kamid noqdeen dadka laga helay kiisaskii ugu dambeeyay ee cudurkan kadib baaritaano lagu sameeyay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muhaajiriin xalay lagu xasuuqay Magaalada Tripoli & Wararkii ugu dambeeyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Laftagreen oo Shir deg deg ah la qaatay saraakiil Ammaan oo ay Ajaaniib ku jiraan (Sawirro)

Cabdi Cade

Isimada dhaqanka Laascaanood oo aqbalay arrin ay Muddo dheer diidanayeen

Caydiid Ali