Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xisbiga dowlada ee Nabad & Nolol oo maanta si rasmi ah loo diiwaan geliyey

Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta diiwaan gelisay Xisbiga dowladda ee Nabad iyo Nolol, iyadoo laga guddoomay document-yada ka mid noqoshada Axsaabta siyaasadeed ee dalka ka jira sida ay sheegayaan ilo wareedyo kala duwan.

Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa maalmaha soo socda guddoonsiin doona Xisbiga dowladda shahaadada aqoonsiga ee Xisbigan uu kaga mid noqonayo xisbiyada Siyaasada Wadanka ee ku tartamaya doorashada soo socota.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay Guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee xisbiga Nabad iyo Nolol ayaa waxaa laga dhigay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Waxaa weli kala caddeyn mowqifka Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha ee doorashada 2021, lamana oga doorka siyaasadeed ee labada nin ay kala qaadan doonaan.

Waxaa jira shaki aan yareyn oo laga qabo sida Raisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ay iskugu raaci karaan cida hogaamineysa xisbigan iyo musharaxa doorashada ku meteli doona, iyadoo la hadal hayo in mid walba uu damac gaar ah kaga jiro hogaaminta xisbiga iyo ka qeyb galka doorashooyinka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxyadii Baledweyne iyo Khasaaraha oo sii kordhay

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo casho sharaf u sameeyay Marti Caalami ah oo ku sugan Hargeysa (Sawirro)

Cabdi Cade

Wadooyinka Muqdisho qaarkood oo saakay xiran iyo sababta oo la ogaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---