Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dayuurad gaar ah oo Qalab muhiim ah ka dejisay Magaalada Garbahaarey (Sawirro)

Maamulka magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobalka Gedo ayaa la wareegay gargaar caafimaad oo ay Dowladda Federaalka ugu talagashay ka hortagga faafidda cudurka safmarka ee COVID-19 oo ay ku wareejiyeen mas’uuliyiin ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo sido kale Wasaaradda Caafimaad oo maanta gaaray magaaladaasi.

Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Garbahaarey iyo Wafdiga ka socday dowladda Federaalka ayaa kormeer ku tegay Isbitaalka Guud ee magaalada si ay u ogaadaan xaaladaha dhabta ah ee magaalada Garbahaarey ka jirto.

Guddoomiyaha Degmada Garbahaarey Xasan Sheekh Cilmi ayaa Dowlada Federalka Soomaaliya uga mahadceliyay deeqdan caafimaad ee maanta la soo gaarsiiyay oo loogu talagalay ka hortagga faafidda cudurka COVID-19, isagoo intaa ku daray inay ku soo aaday xilli baahi weyn loo qabay agabka la soo gaarsiiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Ahlu Sunna oo soo bandhigay Gaadiid Dagaal iyo hub ay qabsadeen (Sawirro)

Cabdi Cade

Xukun adag oo lagu riday nin Al-Shabaab u qaabilsana kala gudbinta hubka iyo qaraxyada

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo tagay Ballidoogle Tababarna usoo xiray Ciidamo katirsan Danab (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---