Xukuumada Soomaaliya ayaa liisankii duulimaadka ay ku iman lahaayeen Soomaaliya kala noqotay diyaaradaha laba shirkadood oo ka diiwaan-gashan dalka Kenya.
Dawladda ayaa ku eedaysay mid ka mid ah labada shrikadood oo lagu magacaabo Buff air services in diyaarad ay leedahay ay si sharci darro ah Qaad usoo gelisay Soomaaliya iyo inay ku xadgudubtay xayiraaddii ay soo rogtay dawladda Soomaaliya ee dhinaca duulimaadka cudurka COVID-19 awgeed.
Saraaakiisha dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in diyaarad ay leedahay shirkaddaas ay 26-kii May shixnad qaad ah gaysay magaalada Buuhoodle, iyadoo hawada Soomaaliyana ku soo gashay inay waddo gargaar daawo ah.
Sidoo kale, dawladda Soomaaliya waxay liisankii duulimaadyada Soomaaliya kala laabatay shirkadda Silverstone Air Services oo isla sidaasi oo kale lagu eedeeyey inay qaad si sharcidarro ah kusoo gelisay waddanka iyo inay ku xadgudubtay xayiraadihii ay soo rogtay Dawladda Soomaaliya cudurka COVID-19 darteed, sida ay ilo wareedyo u sheegeen VOA.
Ilo wareedku waxay intaasi ku dareen in diyaarad ay leedahay shirkaddaasi ay 31-kii May ka degtay magaalada Jawhar oo ay gaysay shixnad qaad ah iyadoo hawada Soomaaliyana kusoo gashay inay siddo daawo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com