Allbanaadir.com
NEWS

Laami Qurux badan oo laga dhisay magaalada berbera oo xadhiga laga jaray (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xadhigga ka jaray 12KM (laba iyo toban kiiloomitir) oo kamid ah jidka weyn ee Berbera ilaa Wajaale (Berbera Corridor) oo si rasmi ah loo dhammaystiray.

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka, Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa faahfaahiyey isbeddelka dhinaca tayada iyo cabbirka ah ee waddada ku yimi iyo waxyaabaha ay kaga duwan tahay waddadii hore loo mari jirey oo ahayd mid kooban oo cimrigeedu dheeraa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,

“Maanta waxa aynnu u joognaa inaynnu furno qayb kamid ah mashruucii Berbera Corridor oo ah 12 KM, waddadani madaxweyne way ka duwan tahay waddadeenii hore, qaabkii hore wuxuu ahaa Lix Tone (6), tanise insha allah waxay noqon doontaa 40-tone iyo wax ka badan inay xammisho, sidoo kale waa la ballaadhiyey oo ballaceedii hore waxa uu ahaa 6.5, imikana marka hareeraha lagu daro waa 11.3, waxana aannu rajaynaynaa inay insha Allah mustaqbalka ay inoo soo bixi doonto waddo aynu ku raysanno.”

Wasiirku waxa uu sheegay in 12-ka KM ee haatan dhammaaday ay u furan yihiin isticmaalka bulshada gaadiidleyda ah ee jidka maraysa.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa masuuliyiinta wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka ku bogaadiyey dedaalka ay ugu jiraan dhammaystirka waddada Berbera Corridor, shaqo-wanaagga iyo isku duubnida ay muujiyeen, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,

“Wasaaradda Jidadka iyo gaadiidka aad baan ugu mahadnaqayaa, waanan boogaadinayaa, waddadan (Berbera Corridor) iyo taa Ceerigaabo oo laba waddo oo muhiim ah bay gacanta ku hayaan, dedaal badan iyo shaqadii oo ay barteen iyo isla qabsi baa ka muuqda.”

Ugu dambayntii Waxa uu madaxweynuhu masuuliyiinta wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka iyo shirkadaha kale ee ku lugta leh jidka Berbera Corridor ku adkeeyey inay hawsha culus ee ay qaranka u hayaan sii laban laabaan, kana midho dhaliyaan himilada guud ee qaranku ka leeyahay dhinaca dhismaha waddooyinka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay ka wada hadleen Wasiir Cawad & Wakiilka QM u qaabilsan Somalia? (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamada Booliiska oo Muqdisho ku qabtay Shan nin oo maanta kufsi wadareed geestay

Cabdi Cade

Dil argagax leh oo ka dhacay xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---