Ayada oo somaliya xurnimadeeda dowladnimo jirsanhaysa 60 sano, wadanka wuxu wajahayaa xasilooni dara siyaasadeed, wali siyaasiyiinta waxay isku dhaganyihiin darfaha. umad meela fara badan laga maamulo ama marxalada kala duwan soomaray ama hadaba haysta ayaa waxay nasiib uyeesheen Siyaasiyiin kasoo wada baxay jaamacadii indhacadeys unversity.
Siyaasigu xilka haya wuxu noqday mid shilin iyo mansab raadiyaa kaliya, an fikir iyo aragti fog leheen; mafiiriya mustaqbalka iyo daruufaha adag ee uu shacabka wajahaayo. midka anhaynin xilkana wuxu udaba fadhiyaa aragti taas lamid ah oo kaliya. Madax hore, Xildhiban hore, waziir hore, iyo dhaman shaqaalihii hore ee xilkooda waayay waa mucaarad, waxa kaliya ee xalka ay u’arkaana waa in dowlada dhacdaa si asaga uu wax unoqdo.
Siyaasiyiinta somaalida marwalba waxay kujiraan safar an dhamaad leheen, oo airportka maalin walba boqolaal aya baxda; kuwa kalana waa soo laabtaan. Mashquul an dhamaad leheen, siyaasi walba waa mashquul, shir ayu kusii ordayaa mise uu kujiraa markasta. shacabka ma’ogo Meesha loosocda iyo sida ay xaaladda noqon karto. Waxay dood kataagantahay inay doorasho dhici doonta, qaabka ay udhici doonta iyo waqtiga ay dhici doonta intaba.
Siyaasiyiinta waxay kujiraan khilaaf aan dhamaad lahayn, waxa looqabtay shirar farabadan oo dib uhishiisiineed. Tusaale shirka dib uheshiisiin aya lagu qabtay Djibouti June iyo July 1991 waxaa kaqeebgalay 6 urur. Maarso, 1993 waxa shir dibuheshiisiineed lagu qabtay Addis ababa Ethiopia, ayada oo ay kaqeeb galeen 15 urur. November, 1996 ilaa Janaury 1997 waxa shir lagu qabtay Sadore, Ethiopia. Sidoo kale isla waqtiyadaas aya shir kale lagu qabtay Sana’a, Yemen. Waxa shir lagu qabtay Cairo, Egypt December 1997, ayada oo ay kasoo qeebgaleen 28 saxiixayaal ah. 20 April – 5 May 2000 waxa shirweyne liskuugu tagay Dalka Djouti (shirkii carta) oo lagu soo dhisay dowlad kumeel gaar ah. 2003 ilaa 2004 waxa shirar isdabajoog ah lagu qabtay Nairobi, Eldoret iyo Embagathi, ayada oo ugu dambeen 2005 dowlad kale oo ku meel gaar ah lagu soo dhisay halkaas. 2007 shirkale oo lagu qabtay Djabouti aya waxa lagu soo dhisay dowlad kale oo kumeel gaar ah uu hogaaminaaya Madaxweyne Sh Sharif.
Siyaasiyiinta somaalida waxay noqdeen kuwa marwalba iska raaraca, marnaba aan utanaasulin ama an unixin shacabka iyo wadanka. Waxa kukala dhaxjira ama xoog iskuugu keena beesha caalamka, Waxay garaacaan durbaan qabiil, magaca ay wataan waxay u isticmaalaan si kabaxsan anshaxa siyaasada. Waxay si xad dhaaf ah ugu tagri falaan awood walba oo ay leeyihiin. Waxayna ku noolyihiin noolol dabaqad sare ah. Uma adeegaana shacabkooda baahan oo qaarkood aysan awoodin cuno labada galin ah ama hata biya nadiif ah. Siyaasiyiinta somaalida sanadkii 2000 ilaa hada wali uma suurta galin inay dhameestiraan dastuurka iyo sharuucda kale ee muhiimka ah.
Siyaasiyiinta badi waxay ushaqeeyaan shisheeye, kuwa kale waxay raadin ugu jiraan siday ugu shaqeen lahaayeen shisheeyahaas. Kuwa yar waxay iskood ugu shaqeestaan dhiiga iyo dhagarta somaaliyeed. kuwana waxay haystaan dhaqaale ku filan, siyaasadana waxay ugu jiraan oo kaliya inay ku ilaashadaan danahooda gaarka ah. Siyaasiyiinta badankooda wadanka iib ayay kuraadiyaan, si toos ah ama si dadbanba.
Hadaba waxan kusoo gabagabeynayaa qoraalkeyga fashilka haysata siyaasiyiinta soomalida laga soo bilaaba xurnimadii ilaa hada waa mida sababtay in wadan walba oo dunida kuyaala uu joogo qof somaliya kasoo cararay, iyo kuwa ilaa hada baxsad ka ah. Waxan ala ugu baryayaa wadanka inuu ilaah usoo saara siyaasiyiin kaduwan kuwii soo maray 60-kii sano ee lasoo dhaafay. Waxan rajeynayaa kuwa wadaniyad, sharaf, diin iyo kalsooni kudheehantahay quluubtooda inay usoo baxaan wadanka, Kuwaas oo aragti fog leh.
Mahad Hassan
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com