Waxaa maanta garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho soo caga dhigatay dayuuradii 3aad dad Soomaaliyeed oo laga soo qaaday dalka Sacuudiga
Dayuuradan ayaa siday 126 qofood oo ka koobnaa 24 dumar ah iyo 102 rag ah, waxayna kasoo duushay Magaalada Jeddah oo Soomaalidu ku badan tahay.
Muwaadiniintan laga soo celiyay Sacuudiga ayaa u badan caruur iyo haween, waxana la sheegay in badankood ay xabsiyo ku jireen muddo bilo ah lagana soo kala qabtay magaalooyinka dalkaas
Dadka maanta la keenay qaarkood ayaa socday kabo la’aan, waxaana dad badan ka yaabisay sababta masuuliyiinta xabsiyada Sacuudiga ay xitaa kabo ay dayuurada ku raacaan ugu quuri waayeen maxaabiistan, iyagoo eegaya islaamnimada.
Guddiga ay dowladda Somalia u xilsaartay soo celinta dadkaas waxay sheegeen in saddex duulimaad loo qeybiyay dadka laga soo dalka Sacuudiga, waxaana galabta la keenay qeybtii ugu dambeysay, waxayna guud ahaan gaarayaan ku dhowaad 400 oo qof.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com