Waxaa saakay Laamiga isku xira Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan deegaanka Xaawa Cabdi ka dhacay qarax miino oo dad badan ku dhinteen, waxaana qaraxan uu haleelay gaari dad shacab ah saarnaayeen.
Sida aan wararka ku helnay gaari nuuciisu yahay Homy oo ka yimid dhinaca degmada Afgooye kuna soo jeeday magaalada Muqdisho ayaa qaraxa ku haleelay laamiga hor mara isbitaalka Xaawo Cabdi.
Qaraxan gaariga shacabka haleelay ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen 10-qof oo kamid ahaa rakaabkii gaarigaasi la socday, waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay dad kale oo gaariga la socday.
Dadka qaraxa ku dhintay ayaa la sheegay in ay u badnaayeen ganacsato qudaarka ka ganacsata, mana jirto ilaa hada cid sheegatay masuuliyada qaraxan dadka badan ee shacabka lagu laayay.
Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa tagay goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidamada goobtaasi kasoo qaadeen dadkii dhimashada iyo dhaawaca uu kasoo gaaray qaraxa miino.
Qaraxyada miino ee lagu aaso hareeraha laamiga isku xira Muqdisho iyo Afgooye ayaa mararka qaar waxa uu haleelaa gaadiidka dadweynaha iyo sidoo kale gaadiidka yar yar ee wataan dadka shacabka ah.